Thursday, April 18, 2024

Max’ud Sayid Aadan: “Dowladda Somalia waxay hortaagan tahay Diyaarad gurmad u sida Gedo…”

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay xayirtay diyaarad gurmad noocyo kala duwan ah u sida Gobola Gedo.

Isagoo caawa magaalada Kismaayo kula hadlay saxafiyiinta ayuu sheegayin Dowlada Federaalka ah ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad loogu talogalay ka hortaga Cudurka Covid-19 iyo fatahaadaha ka taagan Gobolka Gedo, oo ay maamulkooda diri lahaayeen.

Maxamud Sayid Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Jubbaland uu go’aano adag ka qaadan doonto Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay qalalaase siyaasadeed ka wado Gobolka Gedo.

Ad

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay afduubatay guddoomiyihii degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, wuxuuna ku baaqay in xoriyadiisa degdeg loo siiyo.

Dhowaan ayay dowladda Soomaaliya garoonka Muqdisho ka celisay laba senator oo ka tirsan Aqalka Sare, kuna sii jeeday magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan aaska wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Ibraahim, taasoo uga sii dartay khilaafkii dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON