Guddooomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay inay soo ridayaan diyaaradii amarka Somaliland diida ee hawadooda marta.
Isagoo maanta ka hadlayey munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayuu sheegay inay sharci darro tahay in dowlada Soomaaliya ay sheegato maamulka hawada Somaliland, taasina aan la aqbali karin.
“Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa, haddii ay xamar ka amar qaadato” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dadkii ka qeyb qaatay doorashadiisii.
Wuxuu sheegay in Farmaajo la mid yahay Siyaad Barre oo ku jeestay kuwii ugu dhowaa ee kacaanka la dhaliyey. “Farmaajo emotional ayaa lagu doortay. Sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu kua bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuunas ii raaciyey.
Feysal Cali Waraabe ayaa ku caan baxay hadallo aan loo meel dayin oo intooda badan aan miisaan lahayn, isagoo si toos ah u weerarra madaxda dowladda Somalia iyo beelo gaara.