Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe sheegay in Dowlada dalka Jabuuti aysan raali ka ahayn hormarka Somaliland, kana soo horjeedo horumarinta Imaaraadku ku sameynayo Dekadda Berbera.
“Waan ka naxay ninkaas ka hadlayey Jabuuti inuu yiraahdo horumarka Boosaaso iyo Berbera ayaa horumarkeenii waxyeelaysa oo aanu DP World kala wareegnay dekedii Dooraale naxdin ayaan ka qaaday, wadan kastaaba xaq ayuu u leeyahay inuu horumar
gaaro, laakiin in la yiraahdo wadan kale horumarkiisu kaayaga ayuu waxyeelayaa waa wax aan aduunka lagu arag, wadan aanu jaar nahay oo walaalo nahay oo waliba madaxweynahooda u heesno oo amaano inay haddana waxaasi ka soo yeedhaan waa guuldarro weyn” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo u waramay Telefishanka HCTV.
Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay dowlada Jabuuti inay caddow ku tahay horumarka Somaliland, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in dawlada Jabuuti ay ka xumaato heshiisyada shirkada DP World ay ku hormarinayso Dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
Gudoomiye Feysal ayaa intaas ku si daray in Jabuuti ay ka aragtay Somaliland, wuxuuna yiri: “Wax kale maahee inaga ayaa laynaga arkay, waxaanay shacabka Somaliland ku noqonaysaa anfariir, wadankan imaaraadkana heshiiskaa saldhiga iyo kan DP World cadaawad badan ayuu u sameeyey, hadaad xamar tagto caruurta yaryar ayaa lagu diray Imaaraadka oo la leeyahay Imaaraadka ayaa ina khiyaameeyey oo ina inqilaabaya, waxaas oo dhana waxa loogu sheeganayaa maxaad Somaliland ula macaamishay..”
Wuxuu Feysal difaacay heshiiska Somaliland iyo DP World oo ilaa iminka aan la ogeyn qodobadiisa iyo waxa lagu heshiiyay, isla markaana isugu jira mid milateri iyo maamulka dekadda Berbera.