Tuesday, June 24, 2025

G/Banaadir oo dalbaday in muddo Isbuuc ah lagu wareejiyo maamulka Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu dalbaday in maamulka Isbitaallada waaweyn ee kala ah Jazeera iyo Yardimeli muddo toddobaad ah lagu soo wareejiyo maamulooda.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Filish oo uu akhriyey Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir ayaa lagu sheegay in isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli oo loogu taloglay in dadka loodu adeego si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka in lacago looga qaado shacabka.

“Wuxuu maamulka Gobolka banaadir ka war helay in hannaankii loogu taloglay mid aan ahayn oo u muuqda mid gaar ahaaneed iyo ganacsi ay u adeegayaan isbitaalladaasi, si loogu soo celiyo hannaanka lacag la’aanta ah, lagana helo adeegyada loogu baahan yahay, wuxuu maamulka G/Banaadir ku wargelinayaa in muddo toddobaad ah kusoo wareejiyaan maamulka Ibsitaaladaaasi” ayaa lagu yiri Wareegtada.

Maamul cusub ayuu sheegay inuu Gobolka banaadir u soo magacaabayo labada isbitaal oo ka mida kuwa ugu waaweyn caasimadda, waxayna arrintan noqotay mid lama filaan ah.

Labadas isbitaal ayaa waxaa maalgelin ku sameystayn ganacsato iyo dad caadi ah, waxaana dhulka bixiyey dowladihii hore, iyadoo muddo sanado ah ku shaqeynayeen si Private ah.

Ma jiro sibtiaal uu maamulo Gobolka banaadir oo ku yaallaa caasimadda, iyadoo arrintan la flayo inay salka ku heyso loolan hoose iyo arrimo siyaasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON