Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadiidka Khudaarta soo gelin jiray magaalada Muqdisho loo diiday inay galaan magaalada.
Ciidamada ku sugan Koontaroolka Siinka dheer ayaa halkaasi ku joojiyay Gaadiidka Khudaarta ka keena Gobolka Shabeelada Hoose iyagoo ku amray inay halkaasi ku dejiyaan khudaarta ay sidaan, kadibna dib loo rarro.
Tallaabadan ayaa keentay in saacado badan iyo shaqo badan ay ku qaadato wadayaasha iyo ganacsatada khudaarta inay ku qaadaan Siinka Dheer intii aysan Muqdisho u soo gudbin.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii gaari sida Khudaar uu shalay ku qarxay xarunta Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho iyadoo dad badan ay ku dhinteen qaraxaasi.
Hay’adaha ammaanka ayaa u muuqda inay daba socdaan qorsheyaasha ay adeegsadaan Alshabaab iyagoo aan ka fekerin inay sameyn karaan kuwo cusub oo aanay hore u adeegsan.
Goobjooge