Thursday, June 26, 2025

Gaadiidleyda BL-ka & Maamulka G/Banadir oo isku mari waayey Jidadka xiran iyo canshuur bixinta.

Kulan dhex maray Guddi ka socda Gaadiidleyda BL-ka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan markii la isku mari waayey cabashadii Gaadiidleyda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Maamulka G/banaadir ayaa Guddiga Gaadiidleyda BL-ka waxaa qaabilay xubno uu horkacayey guddoomiye ku xigheenka G/banaadir Xuseen Maxamed Nuur, waxaana looga dooday cabashada gadiidleyda BL-ka oo bannaabaxyo ka waday Ex Koontoool Afgooye, iyadoo dalbanayey in jidadka loo furo ama laga dhaafo canshuurta maalin waliba laga qaado.

Xubin ka tirsan Guddiga gadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in maamulka G/banaadir uu ku dooday in dhagxaanta wadooyinka lagu xiray lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana aysan ka maarmin canshuurta, iyaguna ay ku adkeysteen inaysan is qaban karin wado xiran inay ku shaqeeyaan.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo Guddiga Gaadiidley BL-ka ay sheegeen inaan wax go’aan ah lagu gaarin, ayna dadweynaha ka codsadeen in culeys lala saaro dowladda Soomaaliya.

Gaadiidleyda BL-ka & Maamulka G/Banaadir oo isku mari waayey Jidadka xiran iyo Canshuuraha
Gaadiidleyda BL-ka & Maamulka G/Banaadir oo isku mari waayey Jidadka xiran iyo Canshuuraha
Gaadiidleyda BL-ka & Maamulka G/Banaadir oo isku mari waayey Jidadka xiran iyo Canshuuraha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON