Gaalkacyo waxaa iigu dambeysay 1996. Waxaan dhowr cisho joogay oo aan degganaa Hotel ku yaalla dhinaca woqooyi ee Gaalkacyo, si wanaagsan ayaana laiigu soo dhoweeyay. Waxaan dood u qabtay oo meel isugu keenay wakiillada afar jabhadood oo magaalada taageerayaal ku lahaa. Waxay wakiilladu kala ahaayeen Xaarin, Xabeeb, Cabdullaahi Carrab-buro iyo Axmed Diiriye Alloore.
Maalintaas magaalada waa la wada joogay. Waxaa heshiis lagu wada ahaa in aan la isku dhex dgaalin oo la is nabad geliyo. Waxaa odayaasha guud ee nabadda magaalada ahaa oo kor ka hayay Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid. Heshiis labadooda iyo Cali Ismaaciil Cabdi ay wada saxiixdeen ayaa magaalada lagu degganaa. Welibana ma jirin ciidammo shisheeye iyo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed oo la kaashado ama la isula noqdo.
Maanta Gaalkacyo waxaa ka taliya Madaxweynayaal aan ahayn Madaxweynaha Soomaaliya. Laba Madaxweyne ayay magaaladu u qeybsan tahay. Waa Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynaha GalMudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Haddii maanta la isku dilo, waa fashilka labada Madaxweyne. Waxaana la tebi doonaa Cabdullaahi Yusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid. Nin maqan in la tebo, waa nin jooga liidnaantiisa. Haddii ay ku guuleystaan in ay nabad dhex dhegaan shacabka Gaalkacyo ma noqon doonto keliya in ay waajibkooda guteen, laakiin waxay u noqon doontaa abaal looga hayo.
Waxaa kale oo mas’uuliyadda in colaadda la soo afjaro ay u taalla qof kasta oo wax ku tari kara nabadda degaankaas. Colaad haddii ay sii socoto waxay salfan doontaa dad badan oo maanta nool. Xanuunka geeriduna wuxuu gaari doonaa ehel aad uga sii badan inta dhimata. Maanta ayay dabaqabasho leedahay.
Inta dhimatay ee aan magacooda soo qaaday Allah ha u wada Naxariisyo.
W/Q: Yuusuf Garaad