Thursday, July 31, 2025

Gaari ay wateen Ciidamo Milateri ah oo la qarxiyey iyo Qasaare dhimasho & Dhaawac leh oo soo gaaray

Wararka laga heleyno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degaanka Buulalow oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye qarax Miino lagula beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.

Ciidanka la Qarxiyey oo ka tirsanaa Millatergai ayaa watay gaari Kaarib ah oo miino ku  qabsatay wadada dhinaceeda, halkaasoo uu ku burburay gaarigii ay wateen, siagoo ka tegay degmada Wanlaweyn, kuna sii jeeday degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Millatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen laba askari oo midkood ay aheyd haweeney ahyad, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laba kale.

Askarta ku dhaawacantay qaraxan ayaa waxaa la keenay isbitaalka magaalada Afgooye, halkaasi oo lagu dabiibayo, sida ay inoo sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Xaaalada degmada Afgooye ayaa weli kacsan, iyadoo dadka ay dareemayaan cabsi, kadib  weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay alshabaab ku qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON