Friday, June 27, 2025

Gaari Miineysan oo ku qarxay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa dhaliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo ku qarxay halka loo yaqaan Beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu noociisu ahaa Spacio, isla markaana la soo dhigay meel u dhow Suuqa Beerta ee Qaadka lagu iibiyo. Qaraxa ayaan dhalin wax qasaare ah sida ay sheegeen dadka goobtaasi ku sugnaa.

Ciidamada Amaanka ayaa qaraxa ka dib gaaray goobta  qaraxu ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaan, basle ma jirto cid loo xiray.

Qarax gaari kale oo miineysan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan daljirka dahsoon, kaas oo geystay khasaare 2 dhimasho ah iyo dhaawac saddex kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON