Friday, June 27, 2025

GAARI Miineysan oo la sheegay inuu soo galay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari miineysan oo la doonayo in qaraxyo lagu geysto uu galay magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Barqanimadii saaka qarax ka dhacay barta Siinka dheer ee ciidamada nabadsugidda, halkaasoo gaari miineysan oo la  doonayay in Muqdisho  la soo geliyo uu ku qarxay.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa gaarigaas hubiyay xilliga uu qarxay, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in gaari kale la rumeysan yahay inuu magaalada galay.

Xaaladda ammaanka ayaa la adkeeyay waxaana laga cabsi qabaa in gaarigaasi lagu geysto qarax sida saraakiisha ammaanka ay sheegayaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON