Wednesday, July 9, 2025

Gaari Miino lagu xiray oo ku qarxay Muqdisho & Ninkii ka danbeeyay oo Gacanta lagu dhigay …

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari yar oo nooca raaxada ah uu ku qarxay isgoyska Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarama, kadib markii miinada lagu dhejiyo Gawaarida loogu xiray qofkii watay oo ka maqnaa.

Gaariga qarxay ayaa yaallay goob u dhow Jidka Shaqaalaha, gaar ahaan Shineeno Somalia, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga oo a sheegay ina qabteen Qof la sheegay inuu gaariga uu Qaraxa ku dhejiyay, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada oo baaris ku bilaabay, iyadoo qofkaasi la geeyay xarunta CID-da.

Dadka goobjooga ahaa ayaa sheegay in qofka qaraxa ku dhejiyey Gaariga ay arkeen Carruurta Gaadiidka Dhaqa ee halkaasi ka xoogsata, kadibna ay ku wargeliyeen ciidamada Booliska oo goobta ka dhowaa. Waxaana suuragashay in gacanta lagu dhigo qofkii ka danbeeyay miinada lagu xiray Gaariga oo waxyar kadibna waxaa qarxay Gaarigii.

Lama soo sheegin qasaare uu geystay qaraxa marka laga reebo inuu burbur weyn gaarsiiyey gaariga lagu xiray oo aan weli la sheegin qofkii lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON