Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugidda NISA ay gacanta ku dhigeen
Gaari ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa sida oo loogu talogalay in fal qaraxyo lagu geysto.
Gaariga ayaa noociisu lagu sheegay y Zuzuki, iyadoo lagu qabtay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha, magaalada Muqdisho.
Saraakiisha NISA ayay ka soo xigatay SONNA inay hayeen xogo ku saabsan Gaarigaan iyo macluumaad kale oo dheeri ah, ayna wadaan baaritaan dheeraad ah.
Qaraxyada la qabto iyo baabuurta miineysan ee gacanta lagu dhigo ayaa sii kordhay muddooyinkan danbe, inkastoo aanay taasi ka hor tegin qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com