Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay qabteen gaari la sheegay inuu sido waxyaabaha qarxa.
Gaarigan ayay ciidamadu ku qabteen Isgoyska Albaraka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, waxaana waday nin meel dhexaad ah oo meel u dhow gaariga la fariisiyay sida dadka degaanka ay sheegeen.
Dadweynaha iyo gaadiidka ayaa laga fogeeyay goobta iyadoo ciidamada ay xireen agagaarka gaariga uu yaallo, waxaana la sheegay in laga cabsi qabo inuu qarxo.
Saraakiisha ammaanka ayaa wada sidii gaariga baaritaan loogu sameyn lahaa, iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka goobta uu yaallo Gaariga.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge