Qarax ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaasi uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho Qarax nooca miinada ayaa ka dhacay degaanka Xoosh ee degmada Dharkeynley iyadoo lala beegsaday Gaariga guddoomiye ku xigeenka Amniga ee degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali oo la sheegay inuu qaraxaasi ku dhaawacmay.
Saddex ka mida ilaalada guddoomiye ku xigeenka ayaa la soo weriyey inay ku dhinteen qaraxa oo ahaa mid xoog leh, waxaana ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka oo isbitaal loola cararay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dhaawaciisa uu ahaa mid culus.
Waa qarixii labaad ee saacado kooban gudahood maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo Ex. Kontrol Balcad sidoo kale qarax miino lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM.