Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka Gaari looga shakiyay waxyaabaha qarxa uu sababay in la xiro Wado muhiim ah.
Ciidamada Ammaanka ee Booliska iyo kuwa Nabadsugidda degdeg u tegay oo xiray Wadadda Isgoyska degmada Xamarjajab ee aada Dekadda Muqidsho, halkaasoo lagu arkay Gaari Mini Bus ah oo goobtaasi la dhigay, kaasoo dadka ay ka shakiyeen.
Ciidamada ayaa xiray wadooyinka soo gala, iyadoo laga joojiyay isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana muddo hakaday dhaqdhaqaaqa wadaddaasi oo muhiim u ah gaadiidka.
Saraakiisha Ammaanka waxa ay xaqiijiyeen in gaarigaasi laga shakiyay, islamarkaana ay baaris ku sameeyeen, waxaanaa markii danbe la sheegay inuu Kalluun siday.
Goobjooge