Monday, August 4, 2025

Gabar 3 jir ah oo 65 Saac kadib iyadoo nool laga soo badbaadiyey burburka Dhulgariirkii Turkiga (Sawirro)

Gabar yar oo 3-sano jir ah ayaa laga soo saaray burburka Daar ku duntay dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Gabadhan oo lagu magacaabo Elif Perincek ayaa dhaawac ahayd, waxayna muddo 65 saacadood ah ku hoos jirtay burburka Gurigii ay ku nooleyd, iyadoo kooxaha gurmadka ay maanta soo badbaadiyeen, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Turkiga.

Gabadha yar ee lasoo badbaadiyey ayaa laga helay burburka Guriga qoyskeeda oo deganaa degmada Bayrakli ee Galbeedka Gobolka xeebta ku yaalla ee Izmir. Waxay ahayd qofkii 106-aad ee ay shaqaalaha gurmadka Turkiga kasoo babaadiyaan burburka a dhashay dhulgariirkii xoogga badnaa ee Turkiga ka dhacay.

Madaxa Xaaladaha degdegga iyo Maareynta Musiibooyinka ee dalka Turkiga Mehmet Gulluoglu ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay gabadha yar ee la badbadiyey.

3-year-old survivor, Elif Perincek rescued 65 hours after the Izmir earthquake
3-year-old survivor, Elif Perincek rescued 65 hours after the Izmir earthquake

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON