Thursday, June 26, 2025

Gabar Ardayad ah oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho & Faahfaahin

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan oo wadatay Mooto Bajaaj ay toogasho ku dileen gabar yar arday ah.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid, Gobolka Banaadir, waxaana kooxda dilka u geysatay .la sheegay inay isku dayeen inay isku dayeen inay afduubtaan ama mobile ay sidatay ka dhacaan, iyadoo muran iyo dagaal dhex marayna ay rasaas ku fureen.

Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Caasha Cali Saneey ayaa dhaawac culus kasoo gaaay rasaasta lagu furay, kadibna waxaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, halkaasoo la sheegay inay ku geeriyootay, sida ay xaqiijisay Hooyadeed  Fartuun Abuukar Suubiye.

Gabadha u geeriyootay dhaawaca loo geystay ayaa da’deeda lagu qiyaasay 14-sano jir, iyadoo waxbarasho ka timid, lamana oga sababta loo dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON