Wednesday, June 25, 2025

Gabar laga faafiyey inay Muqdisho isku dishay oo Qoyskeeda shaaciyeen Xaqiiqada sidii loo dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay gabar lagu faafiyey baraha Bulshada inay is-dishay magaalada Muqdisho xilli ay iska duubeysay muuqaal Tiktok ah, balse ay arrintaasi beeniyeen Qoyskeeda.

Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Rumaan C/qaadir, waxaana da’deeda lagu sheegay ilaa 14 sano jir, iyadoo maanta la aasay ayaa baaritaankii xarunta CID-da ayaa muujiyey in gabadha la dilay, markii la baaray qaabka ay rasaastu ugu dhacday.

Qoyska gabadha ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in rasaasta looga dhuftay madaxda dhinaca danbe, isla markaana jirkeeda laga helay Jirdil, iyadoo qofkii dilka u geystay la aqoonsaday.

Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, waxayna ehelada gabadha yar sheegeen in la dilay oo dilkeeda uu ka dambeeyay qof guriga kula noolaa, arrintaasina ay waanwaan u socoto oo hadda ay ka wadahadlayaan dadkii qofka dilka geystay.

Gabadha adeerkeed ayaa isagoo ku sugan Qabuurihii lagu aasay gabadha sheegay inay wada-xaajood la leeyihiin odayaasha wiilka ka danbeeyay dilka gabadha, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in laga faafiyo been abuur ah inay iyadu is dishay iyadoo muuqaal iska duubeysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON