Sunday, July 13, 2025

Gabar Soomaali ah oo Nin Ajnabi ah Jaceyl dartiis ugu dilay dalka Malaysia iyo warbixin laga helay

Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Kuala-lambur ee caasimadda dalka Malaysia lagu dilay shalay gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar.

Dilka Dahabo waxaa loo qabtay Nin 25 sano jir ah oo u dhashay dalka Ciraaq, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu geysay dilka gabadha Soomaaliyeed loogu geystay dukaan ku yaala goobta xarunta Jalan Memanda 2, Ampang.

Booliska degmada Ampang Jaya ee xarunta dhexe Dembi Baarista ayaa xalay xiray kaaliyaha maqaayadda Jalan Ampang Putra. Taliyaha booliska degmada Ampang Jaya, Mohamad Farouk Eshak, ayaa sheegay in eedeysanaha uu yahay qof haysta kaarka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

“Marka laga reebo xiritaanka, Booliisku waxay kaloo heleen Mindi la rumeysan yahay in loo adeegsaday Dilka gabadha, baaritaankii ugu horreeyay ayaa lagu ogaaday in eedeysanaha uu garanayey dhibbane Dahabo Cumar oo 28 sano jir ahayd.

Ninka u dhashay dalka Ciraaq ayaa la sheegay inuu dhowr jeer jaceyl ugu soo bandhigtay gabadha Dahabo, markii ay ka diidayna uu ugu hanjabay inuu dilayo, iyadoo arrintaas la wadaagtay qaar ka mida saaxiibadeed iyo, waxaana kiiskan dabagal ku haya safaaradda Soomaalida ee dalka Malaysia.

“Saakay maxkamadda Ampang waxay ogolaatay codsiga todobo maalmood oo xabsi ah si ay booliiska awood ugu yeeshaan inay sameeyaan baaritaan dheeri ah”, waxaana Boolisku sheegay markii la xiray, ay booliisku ku guuleysteen inay kiiska ku xalliyaan 24 saac gudahood ka dib dhacdada.

Gabadha Soomaalida ah ayaa lagu dilay goob baabuurta la dhigto oo ku taal afaafka hore ee dukaan ku yaala Jalan Memanda 2, Ampang, abaare 12:12pm shalay. Baaritaanadii ugu horeeyay ee booliska ay sameeyeen ayaa lagu ogaaday in marqaatiyaal goobta ku sugnaa ay arkayeen haweeneyda oo nin la murmay, ka hor inta aan lagu dhufan Mindi af leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON