Gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa noqoneysa shaqaale ka tirsan Federaalka, waxaana loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee dalkaasi.
Sida uu shaaciyay Aqalka Cad Ivanka Trump waxay noqon doontaa la-taliyaha madaxweyne Trump oo ah aabaheed, mana qaadan doonto wax mushaar ah, taasoo ay ugu wacan tahay inay iska ilaaliso hantida federaalka.
Haweeneydan ayaa u dhaxda Jared Kushner oo sidoo kale isna ah dadka ugu dhow Donald Trump iyo la-taliyihiisa ugu weyn, waana nin dhulalka la dhiso horumariya oo aan iska wax mushaar ah qaadan.
Qoyskan oo aad ugu milantay madaxweynaha cusub iyo Aqalka cad ayaa si weyn uga dhex muuqda shaqada aqalka looga taliyo Mareykanka iyadoo Ivanka oo 35 sano jir ah ay goobjoog ka ahayd dhammaan kulamada Madaxweyne Trump la yeesho madaxda caalamka.
Goobjooge.com