Thursday, July 3, 2025

Galmudug iyo Ahlu suna oo qarka u saaran dagaal weyn oo ka dhex qarxa

Xiisad colaadeed oo kacsan ayaa ka jirta duleedka magaalada Dhuusamareeb degaanka u dhaxeeya Mareergur iyo Godinlabe oo la sheegay in ciidamo iyo maleeshiyaad fara badan lagu daadgureeyay halkaasi.

Mareergur

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in  Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ay isku hor fadhiyaan degaankaasi, waxayna Ahlu suna faarujisay gebi ahaanba magaalada Dhuusamareeb kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka dalbadeen sidaas iyagoo maleeshiyadeedii isugu geeyay aagga dagaalka.

Maleeshiyada Ahlu sunna ayaa la dhoobay  aagga Caro-tuurka ee Mareergur halka kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin meel aan ka dheereyn waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda taagan ay mar waliba isu bedeli karto dagaal weyn oo labada dhinac fooda is daraan.

Lama oga sida xaaladda ku dhammaan doono xilli aanay jirin wax dadaal ah nabadeed ah oo laga dhex wado labada dhinac ee qarka u saaran inay dagaalamaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON