Sunday, July 13, 2025

Galmudug oo laga cabsi qabo inay yeelato laba Madaxweyne & Guddigii Doorashada oo shaqo bilaabay

Guddi qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa shaaciyay inay bilaabeen qabashada araajida musharixiinta doonaya inay isu soo sharxaan xilka madaxweynaha Galmudug.

Qabashada araajida musharixiinta ayaa socon doonta 18-31-ka bisha Janaayo sida ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Afhayeenka Guddiga qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug ninka lagu magacaabo Maxamed C/llaahi ayaa soo bandhigay shuruudaha laga rabo shaqsiga isku soo Sharaxaya Madaxweynaha Galmudug oo kala ah:

  1. In Musharaxa u Tartamaya Xilka Madaxweynaha uu soo Gudbiyo Hantida uu hadda leeyahay
  2. Inay da’diisu ka weyn tahay 40 Sano kana yar yahay 75 sano.
  3. In aysan wax Maxkamad ah ku xukumin dembi.
  4. In aqoontiisa ay gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed, lehna waayo-aragnimo hogaamineed.

Haddii xaaladu sidan ku sii socoto ayaa laga cabsi qabaa in maamulka Galmudug ay yeelato laba madaxweyne iyadoo C/kariin Guuleed uu diidan yahay xil ka qaadis ay ku sameeyeen qaar ka mida xildhibaanada maamulkiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON