Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal.
Labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug ayuu madaxweyne Qoorqoor u magacaabay C/casiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, isagoo dhinaca kale Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad u ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal.
Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya.
