Thursday, June 26, 2025

Galmudug oo qarka u saaran inay yeelato laba Madaxweyne [Wararkii ugu danbeeyay ee Cadaado]

khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug oo maraya heerkii ugu sareeyay ayaa yeeshay weji cusub kadib markii labada dhinac ee madaxda maamulkaasi u qeybsameen ay ku dhaqaaqeen xil ka qaadis is daba joog ah.

Xildhibaannada taabacsan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay ku dhaqaaqay inay xilkii ka qaadaan guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, iyagoo isu diyaarinaya inay doortaan Guddoomiye iyo madxaweyne ku xigeen, taasoo aan u sahlaneyn kooxdan oo tiro ahaan ka yar 30 xildhibaan.

Dhinaca Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka oo heysta xildhibaannada ugu badan ee Galmudug ayaa oo xilka ka qaaday Mudane Xaaf, ayaa shalay ku dhawaaqay Guddi doorasho iyadoo lagu wado inay doortaan madaxweyne cusub oo Galmudug yeelato.

Xaaladda magaalada Cadaado ayaa degan saaka iyadoo labada dhinac ee iska horjeeda ay wadaan tallaabooyin ay uga sii darayaan xiisadda siyaasadeed oo hadda gaartay meel aan kasoo noqosho lahayn.

Waxaa laga cabsi qabaa in laba madaxwwyne ay yeelato Galmudug muddooyinka soo socda, waxayana dhinac Xaaf ku doodayaan in madaxweynaha ay wadato dowladda Federaalka ee Shariif Axmed Cali Hilowle uu ku sugan yahay Cadaado.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON