Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigtay maxaabiis ay ku qabtay dagaalkii magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa bandhigay maxaabiis ay sheegeen inay ku qabteen dagaalka Gaalkacyo, waxayna maxaabiista gaarayeen Saddex askari.
Ciidamadan ayaa sheegay inay ka mid yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland, waxaana la qabtay iyagoo ka barbar dagaalamaya Ciidamada Puntland sida ay sheegayaan Saraakiisha Galmudug.
Maxaabiista midkood ayaa dhaawac ahaa, isagoo ku dhaawacmay dagaalka. Askarta ayaa sheegay in diyaarad looga soo qaaday magaalada Kismaayo oo laga soo dejiyay Gaakacyo. Waa eedeyn cusub oo ku saabsan in Jubbaland ay ka taageereyso Puntland dagaalka ay kula jirto Galmudug.
Arrintan ayaanay weli wa hadal ah kasoo saarin maamulada Puntalnd iyo Jubba, waxaana labada dhinac ee dagaalka Gaalkacyo ka dhaxeeya ay hadda ku jiraan dagaal dhinaca warbaahinta ah.
Goobjooge.com