Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geele Xaad ayaaka hor yimid Xeerka Doorashada ee ay shalay meel mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa waxaa sheegay inay Madaxda dowladda Federaalka la cararreen xer ay ahayd in looga doodo shirka Garowe, isla markaana ujeedkoodu yahay inay sameystaan muddo kororsi.
Galmudug-ta uu hoggaamiyo Xaaf ayaa ku biirtay maamulka Puntland oo si weyn uga hor yimid Sharciga Doorashooyinka, waxaana khilaafka ugu weyn uu ka dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug qeybta Degan magaalada Dhuusamareeb, oo la sheego inaysan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
