Wararka laga helayo Magalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in caawa ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen Ganacsade caan ah.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Muumin Dheere, iyadoo kooxo ku hubeysan Bistoolado ay ku toogteen isagoo fadhiyay goob dad badan ku sugnaayeen ee xaafada Kooshin, bartamaha magaalada Beledweyne.
Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu qeyb ka qaatay dib u dhiska Saldhigga magaalada Beledweyne.
Lama garanayo cidda ka danbeysay dilkan, iyadoo dableyda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta, waxaana halkaasi tegay ciidamada maamulka Hiiraan oo baaritaan ka sameeyay.
Goobjooge.com