Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ganacsade caan ah lagu dilay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay Ganacsadaha oo lagu magacaabo Cali C/qaadir Muudey ku dileen agagaarka Garaashka Macallin Nuur ee Degmada Dharkeynley, waxaana dilkiisa kadib rasaas la isku weydaarsaday goobta.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka geysatay ay dabagal ku sameeyeen ciidamada Amniga, kadiba ay galeen Guri ku yaalla xaafadda Macmacaanka, waxaana halkaasi ka dhacay is-rasaaseyn muddo socotay.
Ninkii dilka u geysatay ganacsadaha ayaa la dilay, waxaana sidoo kale meydkiisa loo qaaday xarunta CID-da, iyadoo muddo saacad ku dhow uu ku jiray goob Dugsi Qur’aan ah.
Ganacsadaha oo caan ka ahaa degaankaasi ayaa dilkiisa waxaa si weyn uga xumaaday dadka degaankaasi.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
