Thursday, June 26, 2025

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ka fulisay dil khaarijin ah oo lagula kacay mida ka mida ganacsatada magaalada, kana tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow, isagoo ka mid ahaa Ganacsatada degmada Wadajir, oo si weyn looga yiqiin Xarunta Bankiga suuqa weyn ee degmada Wadajir oo ganacsiyo badan ay ku yaallaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen Marxuumka, isagoo markaas kusii jeeday hoygiisa, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay hubsadeen inay dileen.

Ciidamada Booliska ayaa goobta ka qaaday Meydka marxuumka oo la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON