Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay xireen ganacsade lagu magacaabo Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq).
Ganacsadaha ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cadaado isagoo ka tegay magaalada magaalada Muqdisho. Ganacsadahan ayaa wararka sheegayaan inuu yahay gacan-yaraha siyaasi iyo musharax Axmed Shariif Cali Hilowle oo la tartamay Axmed Ducale Xaaf, isla markaana laga shakisan yahay inuu yahay ninka ay wadato dowladda federaalka si loogu bedelo Xaaf.
Ganacsade Liibaan Shuluq ayay taageerayaasha Axmed Ducaale Xaaf ku eedeynayaan inuu yahay ninka dhaqaalaha loogu dhiibo xildhibaannada ku kacsan Xaaf, waxaana xarigiisa laga cabsi qabaa inuu xiisad ka dhaliyo magaalada Cadaado.
Ciidamada taabacsan Xaaf ayaa olole ka wada magaalada Cadaado, iyagoo dhinaca kale xayiraad saaray Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug una diiday inuu ka baxo xarunta Madaxtooyada, oo ay ku xiran yihiin madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.