Ganacsade Hindi ah ayaa la yimid fekrad cusub oo ka yaabisay dadka, markii uu sameystay Maasgaro ama mask Dahab ah si uu isaga ilaaliyo cudurka Coronavirus.
Ninkan oo lagu magacaabo Shankar Kurhade ayaa ku nool magaalada Galbeedka India ku taalla ee Pune, wuxuuna Maasgaraha Dahabka laga sameeyay ugu kacay lacag dhan 2000 Dollar, iyadoo in la sameeyo ay qaadatay muddo 8 maalmood ah, halka uu culeyskiisu yahay 40 gram.
Ninkan oo caadiyaan xirta Dahab fara badan oo gaaraya Hal kiilo oo ay ku jiraan faraatiyo ku taxan farihiisa iyo jijin weyn ayaa heegay inay arrintan qalbigiisa ku soo dhacday markii uu maqlay in maaskaro laga sameeyay qalin, kadibna uu Dahab ka sameysay iyadoo loo sameeyay meelo uu ka neefsado.
Shankar Kurhade oo 49 sano jir ah ayaa sheegay inuusan ogeyn afxirka dahabka ah inuu ka ilaalinayo cudurka Coronavius oo si weyn ugu fiday dalka India, balse uu qaadanay tallaabooyin kale oo ka hortag ah.
Wuxuu intaas ku daray in dad badan ay ka codsadaan inay sawirro la galaan oo ay si weyn uga heleen af-xirka Dahabka ah ee uu sito.



