Wararka laga helayo Magalada Cadaado ayaa sheegaya in nin Ganacsade ah lagu dilay magaaladaasi, kadib markii nin qori ku hubeysan uu rasaas ku furay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Liibaan Xasan, iyadoo lagu dhex toogtay xarun Ganacsi oo uu ku lahaa Xaafada Laanweyn ee Magaalada Cadaado, iyadoo uu muran kala dhaxeeyay ninka saaka dilka u geystay.
Ciidamada Booliska degaanka ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka geystay, Waxaana lagu xiray Saldhigga Booliska Magaalada Cadaado markii uu halkaasi isagu tegay.
Warar Xul ah