Wararka laga heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay saaka dfal dil ah ka fuliyeen degmada Waaberi.
Kooxdan ayaa toogasho ku dishay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi, waxay ka baxsadeen goobta. Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa ganacsade sarifle ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Axm Garfiiq.
Ninan ayaa ahaa ganacsade waayeel ah, kana mid ahaa ergadii Baarlamaanka ku soo doortay magaalada Jowhar, wuxuuna ahaa ergeygii ugu danbeeyay ee lagu dilo Muqdisho.
Falalka dilalka ah ayaa si weyn u kordhay magaalada Muqdisho bishan Ramadaan,. waxaana maalin kasta lasoo weriyaa falal lag khaarijiyo dad shacab ah iyo askar, iyadoo ay magaalada ka socdaan howlgallo amni.