Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo ka howlgeli jira mid ka mida carwooyinka magaalada.
Qaraxan ayaa ganacsadaha loogu xiray gaari uu watay oo ah nooca raaxada wuxuuna kula qarxay Buundooyinka degmada Waaberi, halkasoo uu naf waayay.
Ganacsadaha la khaarijiyay ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Afleershe isagoo ka shaqeyn jiray Carwada Muqdisho Mall ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Waaberi Xuseen Axmed Culusow ayaa sheegay in baaritaan uu socdo, isla markaana qofka la beegsaday aanu ahayn shaqaale dowladeed ee uu yahay qof shacab ah oo ganacsade ah.
Dhowr qof oo kale ayaa ku dhawaacmay qaraxa. Ma jirto cid sheegatay weli, laakiin falal dilal qorsheysan iyo qaraxyo ku soo kordhay Muqdisho ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com