Monday, June 23, 2025

Ganacsade toogasho lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho & Faahfaahin laga helay

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay degaanka Ceelasha Biyaha ay goor dhaweyd ku dileen nin ganacsade ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay wadadda loo yaqaan degaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii kooxda oo ku hubeysneyd Bistoolado ay goobtiisa ganacsiga ay ku toogteen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Arbacow Ibraahim, kasoo ahaa nin aad looga yaqaan degaankaasi.

Ninkan ayaa ahaa Ganacsade Dukaan ku leh degaankaasi, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa. Ciidamada Amniga ayaa goobta baaritaan ka sameeyay kadib dilka halkaasi ka dhacay.

Ad

Magaalada Muqdisho, degmada Afgooye iyo degaanada la xiriira waa falal dilal qorsheysan ah ka wada dabley kala taabacsan kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON