Ganacsatada Muqdisho ee diidan inay bixiyaan canshuurta ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda ayaa dalbaday inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ganacsatada ayaa sheegay in shaqo joojinta ay maanta ku dhaqaaqeen ay ku doonayaan inuu codkooda maqlo madaxweynaha, kadib markii ay is famhi waayeen wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iy Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo Geeska Afrika ee Bakaaraha ayaa intiisa badan maanta la xiray iyadoo looga cabanayo canshuurta dowladda soo rogtay.
DAAWO SAWIRRADII UGU DANBEEYAY EE SUUQA BAKAARAHA