Friday, July 4, 2025

Ganacsatada Hilibka ee Muqdisho oo shaqo joojin 3 maalmood ah bilaabay & Hilib la’aan ka jirta caasimadda

Ganacsatada Hilibka Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin 3 maalmood ah oo maanta bilaabatay, waxaana maanta magaalada laga waayey hilibka Geella ee sida weyn loo isticmaalo.

Arrintan ayaa ka danbeysay qiime kordhin ay sameeyeen dallaaliinta magaalada Muqdisho keena Geella ee u dhaxeeya dadka xoolaha leh iyo Ganacsata Geela u qala magaalada, iyadoo lacag gaareys $100 lagu kordhiyay qiimaha ay neefkii Geel ah ka qaadan jireen Wakiilada iibiya Geella ee Dallaaliinta ah, iyadoo markii hore qaadan jiray $200.

Wadahadal iyo waanwaan muddo socotay ayaa ugu danbeyn lagu kala tegay shalay markii ay Ganacsatada magaalada diideen inay bixiyaan qiimaha kororka cusub, waxaana ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin keentay inay magaalada Muqdisho Hilib la’an noqoto maanta, taasoo socon doonta ilaa Sabtida.

Qaar ka mida Ganacsatada Hilibka Geella ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu xaiinayo arrintan, iyagoo sheegay inaysan bixi karin qiimaha dheeriga ah, iyadoo aanu is bixineynin qiimaha hilibka lagu iibiyo.

Hilibka Geela ayaa magaalada Muqdisho laga isticmaalaa in ka badan 90%, iyadoo ay saaka xiran yihiin kawaanadii hilibka iyo goobihii kale, ayaa saameynta laga dareemay caasimadda oo dhan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON