Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka bilaabaneysa xarunta Golaha wakiilada Puntland, kadib markii xilkaasi si degdeg toddobaadkii hore looga qaaday guddoomiyihii hore C/xakiin Dhoobo-Daareed.
Waxaa doorashada u taagan saddex musharax oo kala ah: Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, waxayna saddex musharax kasoo jeedaan beesha guddoomiyihii hore oo awood qeybsi u leh xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid aan xiiso badan lahayn oo abaabulkeedu hooseeyo, iyadoo loo saadaalinayo inuu kusoo bixi doono Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu shaqsiyan heysto fursadda ugu wanaagsan ee xilkaasi uga soo bixi karo.