Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, ayaa doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isagoo wreegii labaad helay codad gaaraya 46 xildhibaan, halka musharixii la tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod; waxaana kulanka soo xaadiray 63 mudane.

Waxaa doorashada xilka guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ku tartamay saddex musharrax oo kal ahaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed, iyadoo laba wareeg ay kusoo gabgabowday, waxayna ahayd doorasho si degan ku dhacday oo aan tartan weyn la gelin.
Guddoomiyaha cusub ee la doortay C/ashiid Yuusuf ayaa siyaasadda Puntland ku biiray 2014, xilligaasi oo uu noqday agaasimaha waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, intii uu xilka Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inay xiriir fiican leeyihiin guddoomiyaha cusub, isla markaana ay ku balameen inay wada shaqeeyaan.