Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheeegaya in Suuqa weyn ee Bakaaraha uu maalintii labaad xiran yahay, intiisa badan maalinti labaad.
Ganacsatada suuqa ayaa ku qasban inaysan furin ganacsigooda cabsi ay ka qabaan ganacsato ah oo adeegsanaa cadaadis iyo baqdin gelin, waxaana la arkayay ganacsiyada qaarkood oo dadkii lahaa ay ku sugan yihiin, balse aan awoodin inay furaan.
Arritan ayaa ka dhalatay Canshuur kordhin ay sameysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, taasoo ku saabsan inay qeyb yar ka bixiyaan canshuurta iibka ee loo yaqaan VAT, waxaana is mari waa’ la dhashay uu keenay in la xiro ganacsigii suuqa Bakaaraha.
Guddiga ganacsatada gadoodka wada ayaa la kulmay maamulka G/banaadir, waxaana lagu wadaa in kulamo kale ay maanta dhacaan, iyadoo guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Ganacsiga iyo Warshada uu arrintan ku soo baxay. lana filayo in Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay kulan ka yeeshaan maalinta berri ah.