Thursday, July 10, 2025

Garowe oo lagu doortay Haweenkii ugu horeeyay ee ka mid noqda xildhibaanada Aqalka hoose

Iyadoo ay socoto Doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Garowe lagu doortay haweeneydii ugu horeysay ee Aqalka hoose soo gasha.

Siciido  Maxamed Xasan ayaa  ku guuleysatay kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka, kadib markii ay ka guuleysatay labo haween oo tartanka la galay.

Siciido Maxamed ayaa heshay 43 cod,  waxaana ku xigay Xaawo Cabdulaahi Maxamed oo heshay 8 cod, halka Shamsho Faarax Daahir aysan helin wax cod ah.sacdiyo-siciido

 

Siciido Maxamed Xasan ayaa ka soo jeeda Gobolka Mudug , waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ka mid noqota xubnaha Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, waxaase ku xigay.

Waxaa kaloo kursiga xildhibaanka dib ugu soo laabtay Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe oo 31 cod uga guuleysatay  Luujiyo Yuusuf Xaraare oo heshay 19 cod, waxaana maanta Garowe lagu doortay laba haween ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON