Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu xilka ka qaado Guddoomiye Baashe Yuusuf

Qaar ka mida Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu guddoomiye cusub u soo magacaabo Maxkamadda Sare, meesha laga saaro guddoomiyaha cusub oo ay eedeyn u jeediyeen.

Afar ka mida Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Dr. Maxamad Maxamuud (Dr. Luu) ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed aanu wax khibrad ah u lahayn dhowsha garsoorka, isla markaan aanay jirin wada shaqeyn kala dhaxeysa.

Garsoorayaasha oo sidoo kale la-taliyeyaal u ah Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa kulan ay yeesheen uga hadlay xaalada Garsoorka Soomaaliya, waxayna Dalsan TV u sheegeen inaysan wada shaqeyn kala dhaxeyn Guddoomiyaha. Waxay ugu baaqeen  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu Maxkamada Sare u soo magacaabo guddoomiye Cusub oo khibrad u leh howlaha Garsoorka dalka.

Khilaafka cusub ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha maxkamaddaasi ayaa yimid muddo kooban oo uu xilka hayey Guddoomiye Baashe oo magacaabistiisa ay dood badan ka dhalatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,930FansLike
552FollowersFollow
2,428FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

107,930FansLike
552FollowersFollow
19FollowersFollow
2,428FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!