Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay garsoore xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib weerar ay ku qaadeen koox dabley ah oo Bistoolado ku hubeysnaa.
Dilka ayaa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, waxaana garsooraha la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ahaa Abuukaate ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Xukuukmadda.
Dableyda weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo markaas kadib ay halkaasi tageen ciidamada Amniga.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Cadaaladda ayaa lagu xaqiijiyey dilka Garsooraha, waxaana tacsi loogu diray Ehellada iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa Wasaaradda.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumka, iyadoo shaacisay inuu ahaa sarkaal ka tirsan xukuumadda Federaalka.
