Garyaqaanka Guud ee dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ku dalbanayo in dib loo soo doorto 8-dii kursi xildhibaanadda Baarlamaanka oo ay laashay Maxkamadda Sare.
Qoraal uu soo saaray Garyaqaanka Guud oo loo diray Guddiyda Doorashada Dadban iyo Guddiga madaxa Bannaan ee doorashada kuna taariikheysnaa 27-ka July oo sumadiisdu tahay Ms/119/2017 ku soo gudbiyay go’aanka Maxkamadda Sare ka gaartay 8-da kursi ee ah inay sharci darro yihiin.
Garyaqaanka Guud ayaa qoraalkiisu u muuqdaa in dib loogu noqonayo doorashada 8-da kursi, taasoo ay hore u diideen xildhibaanada Baarlamaanka. Muranka sharci ee ka taagan baarlamaanka, maxkamadda sare iyo hay’adaha garsoorka dowladda ayaa laga cabsi qabaa inuu lugaha la galo iska hor imaad weyn oo siyaasadeed.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA