Monday, June 23, 2025

Garyaqaankii Donald Trump oo Maxkamad shaqada ka joojisay, kadib markii lagu helay…

Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay ruqsaddii sharci ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ahaa qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Arrntan ayaa ka danbeysay markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.

Ad

Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan.

Iyadoo tixraaceysa qalelaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga.

Maxkamadda ayaa soo xigatay hadalkii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa “Dalkan waxaa kala dhantaalaya weerarada joogtada ah ee lagu qaadayo saxnaanta doorashadii 2020 iyo madaxweynaheenna hadda, gaar ahaan hadalldada beenta ah ee uu sheegayo (Giuliani), isagoo ku shaqeynaya awoodda qareennimo, isla markaana dhawaqiisa meeldheer geynaya. Waxyeella weynna waa geystay”

- Advertisement -

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay bannaanka gurigiisa ku yaal bariga Mamhattan ayuu Giuliani ugu yeeray “ganaaxa la saaray mid hal dhinaca ah oo aan ku saleysneyn caddeyn”.

Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON