Tuesday, July 1, 2025

Maxaa ka jira in Ciidamadii Dowladda ka baxeen degaanadii ay ka qabsadeen Sh/Dhexe? (Alshabab oo dib ula..)

Wararka laga helayo dadka degaannada dagaalladu ka socdeen ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inay ciidamadii Milareriga dowladda ay ka baxeen goobihii ay ka qabsadeen Alshabaab, kadib howlgalkii socday muddooyinkan danbe.

Degaanada hoostaga Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle ayaa la sheegay inay dib ula wareegeen ciidamada Alshabaab, waxaana arrintan laga soo xigtay dadka ku nool degaanada u dhow magaalada Jowhar, iyadoo ay Alshabaab sheegatay inay ciidamadii dowladda ka baxeen.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu shegay in ciidamadii uu horkacayay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ay isaga baxeen degaanada Warciise iyo Qordheere, ayna dib ula wareegaan Alshabaab. 

Dhowaan ayey ahayd markii afhayeenka ciidamada xoogga dalka uu sheegay inay Alshabaab ka xoreynayaan Gobolka Sh/Dhexe, lamana oga in arrintan ay tahay qorshe ciidan iyo inay soo afjareyso howlgalkii ciiidamada xoogga dalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku saabsan inay ciidamadooda dib uga baxeen degaanadii ay ka qabsadeen Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON