Wednesday, June 25, 2025

Gen. Caanood oo shaaciyey Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Weerarkii duleedka Bariire [Akhriso]

Abaanduullaha Ciidamadaa Xoogga Dalka Jen. C/llaahi Cali (Caanood) ayaa sheegay in weerarkii ay wadajirka u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab.

Jeneraal Caanood oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalka iyo Duqeynta diyaaradeed ay ka dhacday meel u dhaw degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab

Magacyada horjogayaashaasi ayuu ku kula sheegay: Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale) 2- Yuusuf Macalin Cabdalla iyo horjooge Muuse Cali oo ku magac dheeraa (Muuse Gaabow). Wuxuu intaas ku daray Jen. Caadnood in howlgalka burburiyey 4 Goobood oo Al-shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Dhinaca kale meydadka 5 ruux oo shacab ah iyo 5 dhaawac ah oo weerarkaasi wax ku noqday ayaa la keenay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka degaanka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay ku doodayaan in shacab ah lagu laayey weerarlka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON