Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mida saraakiishii hore ee ciidamada dalka, si aad ahna ugu dhow maamulka Ahlu suna ee gobollada Dhexe ayaa maanta markii ugu horeysay gaaray magaalada Cadaado.
Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in Jeneraalka oo gacansaar la leh Ahlu suna uu halkaasi u tegay waanwaan uu ka dhex wado labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu suna, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Galmudug.
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddooyinkii danbe fadhigiisu ahaa degaanada ay ka taliyaan Ahlu sunada Gobollada Dhexe, gaar ahaan Guriceel, waana markii ugu horeysay ee uu Cadaado tago.
Maanta waxaa baaqday kulan heshiisiin ah oo dhinacyada Ahlu suna iyo Galmudug ku dhex mari lahaa degaanka Mareergur, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo dagaal ka socdo degaanka Xeraale.