Thursday, June 26, 2025

Gen. Indha-Qarshe: “Askarta aan damiirka lahayn ee Qabiilku dilooday way ka bixi doonaan Ciidanka…” [Dhageyso]

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa mar kale ka hadlay ciidamada gadoodsan ee Gobolka Sh/Dhexe, isagoo si weyn u dhaliilay kuna tilmaamay kuwo aan damiir lahayn.

Taliyaha oo markii labaad arrintan ka hadlayey muddo 48 saacadood gudahood ah ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay in la sameeyo ciidan tiro kooban oo loo sameeyo, loona socda mustaqbalka ciidamada

“Mustaqbalka ciidanka waaye waxaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”. ayuu yiri Gen. Indha-qarshe.

Taliyaha ciidamadda Milateriga Gen. Indhoqarshe ayaa ku tilmaamay ra’iisul Wasaare Kheyre mas’uul Geesi ah oo gaaray go’aan adag, wuxuuna intaas ku daray inuu jecel yahay sidii uu taariikh dalkan uga tegi lahaa.

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON