Monday, June 23, 2025

Gen. Ismail Ghaani “Wax yar suga waxaad arki doontaan Meydadka Askarta Mareykanka oo Bariga Dhexe meel kasta daadsan”

Taliyaha cusub ee Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ee Qudus Gen. Ismacil Gha’ani oo lagu bedelay taliyihii hore ee Mareykanku saaka ku dilay duqeyn ku dileen ciidamada Mareykanka Gen. Qasim Suleymani ayaa soo saaray warkii ugu horeeyay.

Gen. Ismail Gha’ani ayaa ugu hanjabay Mareykanka inay la kulmi doonaan jawaab aan hore loo arag, wuxuuna sheegay in dadku ay wax yar la sugo oo u sabraan si ay u arkaan meydadka ciidamada Mareykanka ee daadsan dalalka Bariga Dhexe oo dhan, sida uu yiri.

Warkan ayaa ka dambeeyay go’aankii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan oo kulan saacado badan qaatay kadib lagu sheegay in Iiraan ay jawaab cad ka bixin doonto dilkii Jen. Qaasim Suleymani oo Mareykanku duqeyn ku dilay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, waxayna sheegeen in jawaabta Iiraan ay ka dhici doonto dhammaan Gobolka Bariga Dhexe oo dhan.

Ad

Kacdoonka Shacabka Ciraaq oo ah kumanaan maleeshiyo la qarameeyay oo Shiico ah ayaa ku dhawaaqay in Jeneraal Suleymaani iyo ku xigeenkooda Abuu Mahdi Almuhandis oo lala dilay lagu aasi doono Berri oo Sabti ah magaalada Baqdaad.

Mareykanka ayaa dhinaciisa ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo gaaraya 3000 askari loo dirayo Bariga Dhexe, iyadoo ciidamada ugu horeeya oo kuwa cirka ah ay gaarayaan dalka Kuwait.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON